|
|||||||||||||||||
WELCOME TO OGADENNEWS |
|||||||||||||||||
SOMALI LINKS
| Dabaqoodhiga oo ku dilay 3 nin oo ONLF ah maydkoodana dhigay suuqa qabridahare diidayna in la aaso !!!Maanta mar aan taleefonka kula xidhiidhnay magaalada qabridahare waxaa dad xog ogaal ah oo lagu kalsoonayahay noo sheegeen in ciidamada booliska oo ay la socdaan calooshood u shaqeystayaasha ay ku dileen 3 ruux oo ka tirsan jabhada ONLF. Mar ay soo galeen magaalada ku dhaw qabridahare oo la yidhaahdo maraacaate waxaana 3daa ruux la soo dhigay meydkoodii suuqa qabridahare waxaana lagu amray shacabkii in aysan aasi karin. si ay dadka khal khal u galiyaan falalkan xun ee ay ciidamada ethiopia kula kacaan shacabka ogadenya ayaa waxuu yahay mid ka baxsan xuquuqda biniaadamka. ciidamada ethiopia ayaa waxay in mudo ah ka wadeen xasuuq aad u badan oo wax lagu yeelayalo shacabka ogadenya hadana waxay keeneen in ay diyaaradaha helicobtarada qumaatiga u kaca in ay ku duqeeyaan tuulooyinka iyo xoolo dhaqatada reer miyiga ah iyaga oo aan dan iyo aabo ka laheyn qofkii duqeyntaas ku dhinta taasi oo ka soo horjeeda sharciyada aduunweynaha u yaala oo ah in aan shacabka si xaqdaro ah aan loo leynin. ogadennews1@hotmail.com ![]() |
SOMALI MAQAAL
|
|||||||||||||||
©
2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
|||||||||||||||||