WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Sh. Shariif oo Ka Dagey Muqdisho

08/12/08,
10-December-2008 Sh. Sharif oo Airport ku sugan Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib-u-xoreynta garabka Djibouti, Sh. Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi u hogaaminayo ayaa markii ugu horeysay muddo labo sano ah ka dagay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Sheekh Shariif iyo wafdigiisa oo ka soo duulay Djibouti, ayaa waxaa si diiran garoonka ugu soo dhaweeyey xubno ka tirsan dowlada KMG, ururadda bulshada iyo waliba dadweyne kala duwan, iyadoo amaanka wafdiga Sheekh Shariif si wadajir ah ay u ilaalinayeen ciidamo ka tirsan dowlada FKMG iyo kuwa Ethiopia.

Wafdiga Sheekh Shariif waxaa isla markiiba loo gudbiyey hotel-ka Lafweyn ee ku yaala Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Sheekhu wuxuu shir jaraaid oo ku qabtay garoonka ku sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay inuu dib ugu soo noqdo magaalada Muqdisho oo ku maqnaa muddo ku dhow labo sanadood,kadib markii Maxkamadaha Islaamka laga saaray magaaladaasi dhamaadkii sanadkii 2006-da.


ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar