|
|||||||||||||||||
WELCOME TO OGADENNEWS |
|||||||||||||||||
SOMALI LINKS
| Cabdullahi yusuf oo Nuur Cadde oo shaqada ka eryay
Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha waxa in muddo ahba u dhexeeyay khilaaf
Madaxweynaha Soomaaliya ee KMG-ka ah, Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in uu xilka ka qaaday, Ra'iisal Wasaare
Nuur Xasan Xuseen, taa oo macnaheedu yahay in uu kala diray dowladda.
Cabdullaahi Yusuf
Madaxweynuhu wuxuu xukuumadda uu madaxda u yahay Nuur Xasan Xuseen uu ku eedeeyay in ay isku darsatay waxqabad la'aan, khiyaamo iyo
musuqmaasuq.
Wareysi uu BBC Laanta Soomaaliga siiyay, ayuu Madaxweynuhu ku tilmaamay in aan arrintan baarlamaanku waxba ka qaban karin oo ay markii
horeba caddaan ahayd hawlaha dowladda laga doonayo in ay ku qabato 12 bilood isla markaana sheegayay in ay dhacayso haddii ay ku guul
darreysato.
Jawaabta Ra'iisul Wasaaraha
Ra'iisul wasaaraha KMG ah ee Somalia Nuur Xasan Xuseen ayaa ka hadlay go'aanka uu Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed xilka uga qaaday.
Nuur Cadde
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo la hadlayay BBC kadib markii uu hadalkaasi soo baxay, ayaa sheegay in go'aanka xilka qaadista ee
Madaxweynuhu gaaray inuu ka xun yahay, isagoo intaa sii raaciyay inay tahay tallaabo sharci darro ah oo ka soo horjeeda Axdiga
dowladda KMG ah.
Ra'iisul wasaaruhu waxa uu sheegay in Madaxweynuhu awood u leeyahay magacaabista Ra'iisul wasaaraha laakiin xil ka qaadisata uu
leeyahay baarlamaanka Somalia.
Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaruhu in muddo ahba iskuma fiicnayn, wax wadatashi ama wadahadal ahina kama dhexeyn.
Khilaafkoodu wuxuu billowday markii Golaha Wasiirradu ay xilka ka qaadeen Duqii Muqdisho, Maxamed Cumar Xabeeb, oo ay gacan saar
dhow leeyihiin Madaxweynaha.
Waxaa xigay in arrintaa ay isku casileen ilaa toban Wasiir, iscasilaaddaas oo ilo Raiisal Wasaaraha ku dhowi ay ku eedeeyeen in
Madaxweynuhu ka dambeeyay.
Ilaa iyo maalintaas ma soo bixin Gole Wasiir oo Ra'iisal Wasaaruhu soo dhisay, Madaxweynuhu ku raacay, baarlamaankuna ansixiyay.
Inkasta oo fadhiyo iyo la tashi ay ka dhexeen Addis Ababa laba jeer, Nairobi laba jeer, London, Baydhaba iyo booqashooyin Madaxdu
gooni gooni ugu tageen Muqdisho, Garowe iyo Djibouti haddana marnaba labada mas'uul is af garad wey gaari waayeen.
Go'aankan Madaxweynuhu wuxuu ku soo beegmay iyada oo Gobollada Koofureed iyo kuwa Bartamaha Soomaaliya badankood ay gacanta ku
dhigtay kooxda dowladda ka soo horjeedda ee Shabaab.
Waxaa kale oo ay ku soo beegantay iyada oo maalmo tirsani ay ka hareen wakhtigii ay dowladda Ethiopia sheegtay in ay la baxayso
ciidammada ka jooga Soomaaliya.
Golaha Ammaanka oo xaaladda Soomaaliya ka hadlaya ayaa isaguna fadhi isugu imaan doono toddobaadkan gudihiisa.
ogadennews1@hotmail.com ![]() |
SOMALI MAQAAL
|
|||||||||||||||
©
2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
|||||||||||||||||