28/7/10
Wednesday, July 28, 2010
Eheladii dadkii ku geeriyooday burburka diyaarada
Dayuurad rakaab ah oo sidday 152 qof ayaa ku burburtay agagaaraha caasimadda Pakistan, Islamabad, halkaas oo dadkii
saarnaa oo dhan ay ku dhinteen. Burburka dayuuradda oo nooceedu ahaa Airbus 321 ayaa ku firirsan keymo buuraley ah.
Diyaarada dhacday waxaa lahayd shirkadada Air Blue
Dayuuradda waxaa lahaa sharikad wadani ah oo la yiraa AirBlue, waxayna ka duushay magaalada Karachi. Cid shilkaas ka
badbaadday ma jirto.
Dad goobjoog ahaa waxay sheegeen inay arkeen dayuuradda oo ku duulaysa joog aad u hooseeya, qayb magaalada ka mid ah
oo caadi ahaan ay mamnuuc ka tahay in wax dayuurado ah ay maraan. Waxay sheegeen in hawadu ay aad u xumayd.
Baarayaasha ayaa eegaya qalabka duuba duullimaadka dayuuradda.
|