OGADENNEWS
  fooljeex

Rumayso ama ha rumaysan !!!believe it or not!!! --haa--haa--haa--haa--haa--haa--


isbarada ilkaha dahabka

1)qiso la yaab leh ayaa ka dhacday isbaarooyinkii xamar maleeshiyooyinkii isbaarooyinka ayaa waxay keeneen in ay qofkii baabuurta ay istaajinayaan saaran ee ilig dahab ah qaba in ay iliga kala baxaan waxay wataan biinso wayn qof kasta waxay dhahayaan na tus ilkahaaga hadii ay ku arkaan ilig dahab ah way kala baxayaan. qofkii afku dhiig ka da'ayo ayaa la sii deyn!!!

isbarada dadka buurbuuran

2)wali is baarooyinkii hore ee xamar ayaan ku jirnaa waxay kale oo ay soo saareen hab lacag dheeraad ah lagu sameeyo waxayna dhaheen qofkii ka badan 50kg waa in lacag laga qaadaa baabuurta ayay istaajinayaan waxayna miisaamayaan qof kasta oo buska ay istaajiyaan saaran.

qofkii 50kg ka bata lacag ayaa la dhihi bixi xoolihii dalka ayaad cuntaye markii uu qofkii lacagta bixiyo ayaa khadana waxaa istaagin isbaradii muuse suudi lacag kale ayuu bixin hadana waxaa istaajin isbaaradii xuseen ceydiid lacag kale ayuu bixin hadana waxaa istaajin isbaaradii qanyare ,hadana waxaa istaajin isbaaradii caato kadib dadkii buurbuurnaa waxay maxaabiis ku noqdeen guryahoodii oo way diideen in ay soo baxaan. war umadan isbaarooyinka dhiganeysa so in yar oo diin sheegata ma heystaan wax kale oo dhan iska iloow xaataa ambalaasta dhaawaca iyo meydka wada ayay lacag isbaaro ka qaadaan. waa yaabka yaabkiis !!!ku soo dhawoow muqdishu shacabkeedii oo bahaloobay.
3)isbaarada cirka somalia.

waxaa hada soo baxday nooc cusub oo is baaro ah oo badii somalia ay isbaaro dhigteen dad u dhashay gobolada bari ee somalia halkaas oo ay in ka badan 50 markab ku afduubteen kana qaateen malaayiin doolar maalin dhaw dhawna iyaga iyo reer muqdishu waxay ku tartamayaan kii hor dhigta isbaaro cirka somalia bal weynu dhawri beesha reer bari iyo beesha reer koonfur kii bilada isbaarada cirka hor qaata!!!



FADLAN HADII AAD HAYSO WAX LA YAAB LEH AMA SHEEKO LAGU QOSLO NOOGU SOO DIR EMAILKA HOOS KU QORAN SI QOSALKA IYO LA YAABKA LAGUULA QEYBSADO WAAD MAHADSANTIHIIN.


Source: Eng:Ahmed mukhtar sheikh
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



 
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar