WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


115 qof oo Somali ah oo la bedbaadiyay

06/02/09 Doonta ay saarnaayeen dadka tahriibayay Ciidamada badda ee Jasiiradda Malta ayaa badbaadiyay dad Somali ah oo boqol qof ka badan, kuwaasi oo saarnaa doon ku caarisay meel u dhaw badda jasiiradaasi Malta.

Warbixinta Malta Dadkan oo tahriib ahaa ayaa wararku sheegayaan in ay muddo toddobaad ah badda ku dhex jireen, kadib markii ay cillad ka gashay doontii ay saarnaayeen. Ciidamada badda ee Talyaaniga ayay muddo ku qaadatay inay ogaadaan halka ay ku sugan yihiin, markii ay tahriibayaashu ay la soo xiriireen.

Dowladda Talyaaniga ayaa ka codsatay in ciidamadaasi Malta ay badbaadiyaan sida uu ku soo waramayo weriyaha BBC ee Rome Aadan Sabriye.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar