WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Xiisadda iyo dagaalada ka jira Muqdisho

 
Al-Shabaab oo lagu eedaynayo dagaal ka dhan ah dowladda
Maleeshiyada Al-Shabaab
Afhayeen u hadlay ciidamada dalka Burundi, Justace Ghiza, ayaa sheegay in kooxaha hubaysan ee mucaaradka ah ee soo weerareen saldhig ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in xaruntooda lagu soo weerary hoobiyayaal iyo gantaallo, iyaguna ay ka jawaabeen.

Warbixinta

3 qof, ayaa ku dhintay, iyadoo 8 qof oo kalena, ayaa ku dhaawacantay weerarka.

Dagaaladii ugu dambeeyay ayaa yimid iyadoo wasiirada arrimaha dibedda Africa ee IGAD ay isu diyaarinayaan in ay kulan degdeg ah ka yeeshaan dhibaatada Soomaaliya, halka mucaaradku ay wadaan dagaal ka dhan ah dowladda ku meelgaarka ah.

Ethiopia, waxay shalay beenisay warar sheegaya in ciidamadooda ay xadka ka gudbeen iyagoo wata baabuur ciidamo saaran yihiin iyo kuwa hubka ku rakiban yahay.

Afhayeen u hadlay dowladda Ethiopia ayaa sheegay in aysan qorshaha ugu jirin in ay faragaliyaan.

Ciidamada Ethiopia, waxay ka baxeen Soomaaliya bishii January kadib markii in ka badan laba sano ay taageerayeen dowladii hore.


ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar