WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Ninkii is qarxiyay ee ay arday iyo madax ku dhinteen waxuu ka tagay kuna noolaa wadanka Denmark

11/12/09, Qaraxa ayaa waxa ku dhaawacmay ugu yaraan 50 qof Qofkii dhawaan qaraxa bam ka sameeyay magaalada Muqdishu ayaa wararku sheegayaan in uu ka yimid dalka Denmark.

Axmed Dhaqane oo ka mid ah madaxda deegaanka degmo ka tirsan magaalada Copengehan ee waddanka Denmark ayaa BBC u sheegay in uu aqoon u lahaa ninka is qarxiyay, oo uu ku sheegay in la oran jiray Cabdiraxmaan.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda KMG ah Daahir Maxamuud Geelle ayaa isna BBC u sheegay in waalidiinta qofka is qarxiyay oo ku nool Copenhagen, ay aqoonsadeen sawirka wiilkooda.

Wararka ayaa sheegaya in uu Soomaaliya ka tagay isagoo ilmo yar ah toddobo iyo toban sano ka hor intii aannu ku laaban sanadkii hore.

Waxaa la sheegay inuu ku biiray kooxaha xag jirka ah ee ka dagaallamaya Soomaaliya.

al-Shabaab ayaa beenisay inay wax lug ah ku lahayd qaraxa oo ay ku dhinteen 22 qof oo ay ku jireen saddex wasiir oo ka tirsanaa dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar