|
WELCOME TO OGADENNEWS |
| |
SOMALI LINKS
|
Cabdullaahi Xasan Cali oo kamid ahaa dhalinyaradii u xidhnayd Faroole oo xabsiga Boosaaso ku geeriyoodey
War deg deg ah oo goor dhaweyd nasoo gaadhay ayaa sheegaya in mid ka mid ah dhalinyaradii shanta ahaa ee u xidhnayd maamulka Faroole uu maanta geeriyoodey kadib markii sida la sheegay ay jidhdileen sirdoonka Ethiopia iyo askarta maamulka Faroole.
Maxruumka geeriyoodey ayaa magaciisa naloogu sheegay Cabdullaahi Xasan Cali oo kamid ahaa dhalinyaradii laba isbuuc kahor lagala dagay doon ku soo xidhatay dekkada magaalada Boosaaso.
Wararkii ugu dambeeyey ee la xidhiidha dhimashada marxuumka ayaa sheegaya in durbaba la aasay iyadoo aan baadhitaan madax banaan lagu sameynin asbaabihii uu u geeriyoodey marxuumku.
Arimahan foosha xun ee maamulka Faroole u geysanayo muwaadiniinta ka soo jeeda gobolka Ogaden ayaa ah kuwo soo noq noqday isla markaana u dhacaya habab qorshaysan,waxaase la yaab noqotay sida Faroole uu ugu jees jeesayo umada ehel mooday ee usoo qaxday.
Eng: Ahmed mukhtar(maraacaate)
ogadennews1@hotmail.com

|
SOMALI MAQAAL
|
Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah
waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
|
|