SOMALI LINKS
|
Cabdullaahi Yusuf oo is casilay
29/12/08,
Cabdullahi Yusuf waxa Madaxweyne loo doortay October 2004
Madaxweynaha KMG ee Somalia Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa saaka kaga dhawaaqay baarlamaanka KMG Somalia hortiisa inuu iska casilay xilkii madaxtinimada
Somalia.
Cabdullahi Yusuf
Cabdullaahi Yusuf waxa uu sheegay in uu xilka ku wareejiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Aadan Maxamed Nuur.
Is casilaadda Cabdullaahi Yusuf ayaa timid markii uu khilaaf weyn soo kala dhexgalay isaga iyo Ra'iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen oo uu dhawaan sheegay
inuu xilkii ka qaaday.
Khudbad uu Cabdullaahi Yusuf u jeediyay Baarlamaanka ayaa waxa uu ku sheegay in dawladiisi ay wax qaban weysay, oo ay ku guul dareysatay inay Somalia
nabad ka dhaliso.
ogadennews1@hotmail.com

|
SOMALI MAQAAL
|